4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Maleeshiyo loo maleynayo Al-shabaab oo qafaashay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Gololey ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ay gaari nooca raaxada ah kala degeen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa waxaa lagusoo warramayaa in gaariga  nooca raaxada ah uu kasoo raacay magaalada Jowhar,  isagoo kusoo socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  waxayna dableyda qafaashay ay la degeen keligii,  halka dadkii kale ee gaariga la saarnaa iyo gaarigiiba loo fasaxay iney safarkooda sii wataan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ee ku aaddan xildhibaankaas gaariga lagala degay.

Ammaanka jidka dheer ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa aad looga deyrinayay sanadihii lasoo dhaafay.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa horay loogu dilay waddadaasi xilli ay ku safrayeen,  kadib markii dabley hubeysan ay weerartay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]