4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Maraykanka oo si kulul u cambaareeyay xadgudubyada ka dhanka ah saxaafadda xorta ah ee Somaliland



Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland, kadib markii dhowaan Soamliland ay xirtay labo talefishin oo madax bannaan.

Bayaan kooban oo kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in dowladda Maraykanka ay ku celcelinayso sida ay uga go’an tahay difaaca xorriyada saxaaafadda.

“Waxaan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubka ka dhanka ah suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Somaliland inay ixtiraamaan, dhawraan oo ilaaliyaan xuquuqda xorriyadda hadalka,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Telefishinada kala ah, Univetrsal iyo Star ayaa albaabada loo laabay xafiisyadoodii ay ku lahaayeen Somaliland, kadib markii lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabooyin kasoo horjeeda qadiyada Somaliland.

Universaltv ayaa loo xiray kadib markii telefishinka lagasii dayn waayay khudbadii madaxweyne Muuse Biixi uu jeediyay habeenkii xuska sanad guurada 60-aad ee xorriyada gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Star tv ayaa isaguna lagu haystaa inuu baahiyay cabasho laga muujiyay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada shirka Jabuuti ee ku dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn ayaa ugu baaqey mas'uuliyiinta Somaliland inay joojiyaan kadeedinta warbaahinta gaarka loo  leeyahay. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 168aad ee 180 waddan oo ah wadamada ugu liita xorriyada saxaafada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]