4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya oo ka doodaya maanta dib u eegista miisaaniyadda sanadkan 2020
 

Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamanka Aqalka hoose ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ka doodi doonaan arrinta la xiriirta dib ugu noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020-ka oo ay horay usoo meelmariyeen Golaha wasiirrada ee dowladda.

Kulan oo dhacaya maanta oo sabti ah ayaa waxaa la saadaalinayaa in mudanayaasha Golaha aqalka hoose ee dalka, ayaa isla eegi doona ajandahaas oo muhiim u ah wasaaradda maaliyadda dalka, wasiirradana ay horay uga doodeen.

Qaar kamid ah mudanayaasha oo la hadlay Hiiraan Online ayaa waxay sheegeen in xalay ay soo gaartay farriinta, ajandahaanna uu horay usii yaallay.

Maalmihii lasoo dhaafay Baarlamanka aqalka hoose ee dalka ayaa waxa uu yeelanayay kulamo badan, iyadoo ajandayaal bandanna uu ka dooday , dhowr sharcina uu meel mariyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]