4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Wax-garadka degmada Balanballe oo hub iyo maleeshiyaad ku wareejiyay Galmudug


Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Wax-garadka iyo odoyaasha degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa  waxay madaxweynaha Maamulka Galmudug, ku xigeenkiisa iyo wasiirka amniga ku wareejiyeen hub iyo sidoo maleeshiyaad qeyb ka noqon doono ciidamada maamulkaasi.

Malleeshiyada oo qeyb ka noqon doono ciidamada maamulka Galmudug ayaa waxaa la siin doonaa tababarro ciidan, waxayna qeyb ka qaadan doonaan sugidda ammaanka maamulkaasi ku yaalla bartamaha Soomaaliya .

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, Ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo wasiirka ammaanka maamulkaasi Axmed Macallin Fiqi ayaa si wada jir ah uga mahadceliyay tallaabada ay qaadeen shacabka iyo wax-garadka Balanballe . waxaana la isla gartay in hub sharci darro ah iyo maleeshiyaba aan lagu arki karin halkaas.

 Madaxweyne Qoor qoor ayaa waxa uu weli ku jiraa safarkii uu ku marayay deegaannada Galmudug ee loogu magac daray socdaalkii nabadda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]