4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Guddoomiyaha dallada ururada Soomaalida Netherland oo la gudoonsiiyay abaalmarin caalami ah


Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha dallada ururada Soomaalida Netherland ay ku mideysan yihiin ee FSAN Ali Abdi Ware ayaa la gudoonsiiyey abaalmarinta boqortooyadda Netherlands.

Abaalmarintan ayaa waxaa Ali Ware guduunsiiyey duqa magaalada Haarlemmermeer Mariannne Schuurmans.

Sida caadiga ah waxaa la sameeyaa xaflad weyn oo abaalmarintan lagu bixiyo, balse waqtiga ee Corona-da ee lagu jiro darteed, ayaa waxaa la gartay in gudoonsiintan ay qaabkan kooban u dhacdo.

Abaalmarintan ayaa waxay boqortooyada siisaa sanadkiiba mar shaqsiyaadka mudada dheer ee 20-ka sanno ama ka badan si nadiif ah uga soo shaqeeyey arrimaha bulshada si mutadawacnimo ah.

Abaalmarintan ayaa waxaa lagu bixiyaa qiimeyn iyo baaritaan lagu sameeyo qofka loo gartay, ka hor inta aan la siin.

Abaalmarintan ayaa waxay caan ku tahay in qofka loo garanayo lagu dadaalo mudada baaritaanka inuusan marnaba ogaan, iyadoo marka ay howsha soo dhamaatana oo go' aanka la gaaro si kadis ah ama lama filaan ah loogu sheego qofka in loo gartay abaalmarintan boqortooyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]