Hiiraan Online
10/31/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay waaxda ilaalada canshuuraha oo ku taalla degmada Xamar jajab
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Gaari lagsoo buuxiyay wax-yaabaha qarxa ayaa saakay abbaare 8:45 am (Aroornimo) lagu qarxiyay waaxda ilaalada canshuuraha barriga ee magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar jajab gaar ahaan meel ku dhow agagaarka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Xarunta la qarxiyay oo ah meel si weyn loo adkeeyay ammaankeeda ayaa waxay dhanka bari ka saarantahay saldhigga degmada Xamar jajab.
Waaxda gurmadka deg degga ah ayaa dhowr qof oo dhaawac ah u qaaday cisbitaallo uu kamid yahay Madiina. Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee qaraxan ka dhashay.
Qaraxa lala eegtay xarunta Waaxda ilaalada canshuuraha barriga ayaa waxa uu imaanaya xilli ammaanka caasimadda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa mid hagaagsan.
Ma jiraan tafaasiil dheeraad ah oo ay booliska ka bixiyaan qaraxan iyo khasaaraha uu geystay inta uu la’egyahay.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]