4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Taliska booliska qeybta bari ee Gobolka Banaadir oo xaaladda ammaanka Kaaraan ka deyriyay
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Taliyaha Booliska qeybta bari ee Gobolka Banaadir G/le dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa waxa uu sheegay in xaalad amni xumo ay kusoo korortay degmada Kaaraan , taas oo iminka dhibaato xooggan ku haaysa shacabka deegaanka .

Falalkaan amni xummo ayaa waxa uu qeexay iney ka dembeeyaan maleeshiyaad hubeysan oo qaarkood ku labisan dharka ciidamada dowladda oo kala dhiman iyo rag wata dhar caadi ah .

“Ammaan darrida jirta hadda waxay keentay in jawaan madaxa la isku geliyo, kadibna bac la isku dhalaaliyo” ayuu yiri mar uu arrintaasi ka hadlayay.

Isagoo sii hadlaya C/le dhexe Khaliif Cabdulle ayaa waxa uu intaa ku daray in kooxahaan ay geysteen dilal iyo dhaawac intaba, sidoo kalena ay hayaan kiisas badan.

Shacabka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada si looga taqaluso kooxaha dhibaatadan geysanaya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]