4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Guddoomiye Mursal "Qof kasta oo Soomaaliya oo xaq ayuu u leeyahay inuu ka hadlo arrinta Gobolka Banaadir "
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka hadlay arrinta metalaadda siyaasadda ee Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in xildhibaannada aqalka hoose ee qaranka  ay sameeyeen ansixin taariikhi ah,  oo wax weyn uga dhigan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Soomaaliya.

"Waxaan u mahad-celinayaa guud ahaa xildhibaannada Baarlamanka tillaabada ansixinta ah oo ay sameeyeen " ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda qaranka Soomaaliya,  sidaasi darteedna uu qof walba ka hadli karo arrimaha la xiriira masiirkeeda siyaasadeed.

"Qof walba Soomaaliya xaq ayuu u leeyahay inuu ka hadlo arrinta Muqdisho,  waayo nasiib ayey u yeelatay iney noqoto caasimadda dalka " ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay go'aankii Baarlamanka ee Gobolka Banaadir.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]