4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Turkish Airline oo dib u bilaabaysa duulimaadyadeedii Soomaaliya
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Sharikadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Afrika, oo ay kujirto magaalada Muqdisho, taasoo bilaaban doonta usbuuca soo socda.

Sharikadda Turkish Airlines ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyey ee qaaradda Afirka bilowday bishan July 1deedii, ku bilowday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Waxaa la filayaa inay duulimaadyada Soomaaliya dib u bilaabi doonto bisha July 22, iyadoo sameynaysa seddex duullimaad usbuucii oo kala ah, Arbacada, Jimcaha iyo Sabtida. Waxay sharikadda duulimaadyadeedii maalinlaha ahaa ee magaalada Muqdisho bilaabidoonta bilowga bisha August.
 
Sharikadda waxay sidoo kale duulimaad ka bilaabidoontaa magaalooyinka Addis Ababa July 13 (Usbuucii 3 duulimaad), Nairobi July 10 (Usbuucii 3 duulimaad) iyo Johannesburg July 13 (Usbuucii 3 duulimaad).
Shirkadda duulimaadyada ee Turkish Airlines waxay duulimaadyada caalamiga ah dib u bilaabeen 11-kii Juun.

Turkish Airline waxay joojisay ku dhowaad dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa 27-kii Maarso taas oo ay ugu wacneyd masiibada COVID-19.

Diyaaradda Turkish Airlines waxay dhawaan bilowday duullimaadyo maalinle ah oo ay ku tagayso Qaahira oo bilaabatay Arbacadii, waxaana ku xiga saddex jeer usbuucii ah oo ay ku tagayso Nairobi 10-kii July, iyo Addis Ababa 13-ka July.

Duulimaadkii ugu dambeysay ee Turkish Airlines ee tagta Muqdisho waxay ahayd 17-kii Maarso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]