4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Ciidamada Kenya ee ku sugan duleedka Kismaayo oo hoobiyayaal lagu weeraray
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in hoobiyayaal lagu weeraray saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya u sheegay in dhowr hoobiya ay kusoo dhaceen halka ay deganyihiin ciidamada , balse lama oga inuu jira wax khasaare ah.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxay ku jawaabeen madaafiic kale oo ay u ganeed halka hoobiyayaasha loogasoo tuuray.

Alshabaab ayaa horay Gobollada Jubbooyinka kula dagaalamay Ciidamada Kenya , balse ma jirto cid illaa iyo hadda war kasoo baxay Shabaab oo ku saabsan iney iyaga ka dembeeyeen weerarka hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday Ciidamada Kenya ee deggan saldhiggaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]