4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo madaxweyne Deni ugu baaqay in uusan ka baaqsan shirka Muqdisho
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federalka iyo maamulka Puntland iyo Senataro ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacayo.

Siyaasiyiintaan waxay kasoo horjeesteen oo ay sharci darro ku tilmaameen bayaan kasoo baxay barlamaanka Puntland oo madaxweyne Deni ugu baaqayay in uusan ka qeyb galin shirka Muqdisho illaa inta wax laga qabanayo tabashada Puntland.

Waxay dowladda federalka ugu baaqeen in xuquuqda mataalada gobolka Banaadir loo maro sifo sharci ah oo waafaqsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]