4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Soomaaliya oo helaysa $25M si loogu xoojiyo miisaaniyada lagu yareynayo saameynta COVID19
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa ansaxiyay $ 25M  oo loogu tala galay Soomaaliya, si kor loogu qaado dadaalada miisaaniyadeed ee qaran si loo yareeyo saameynta qaranka ee masiibada Covd19.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu fuliyo saddex jawaab celin oo isku xiran oo ku saabsan masiibada COVID-19, kor u qaadida nidaamka caafimaadka iyo taageeridda wax soo saarka xoogga shaqaalaha iyo waxqabadka dhaqaalaha Soomaaliya.

Qeybta caafimaadka, lacagaha ayaa loo isticmaali doonaa in lagu balaariyo bixinta qalabka difaaca shaqsiyeed, kordhinta awooda ICU ee dalka iyo sare u talaabooyinka ka hortaga iyo caabuqa.

Deeqda lacageed ee Bangigu wuxuu la jaan qaadayaa ujeeddooyinka horumarineed ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha u diyaarsanaanta iyo ka-jawaab celinta COVID-19.

Waxay sidoo kale la jaan qaada istiraatiijiyadda Bangiga ee tobanka sano ah, iyo istiraatiijiyaddiisa Isdhaxgalka Gobolka Bariga Afrika iyo dadaal ballaaran oo lagula dagaallamayo nuglaanta iyo dhisidda adkeysiga Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]