4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa kulan ay xalay yeesheen guddoonka Baarlamanka iyo madaxda madasha qaran ee mucaaradka ah
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddoonka Baarlamanka dalka iyo hoggaamiyayaasha madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka ah . Waxayna wararku sheegayaan in laga hadlay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo hannaankii loo maareyn lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muuddey iyo xubno ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka aqalka hoose ayaa waxay kulankaas la qaateen madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in labada dhinac ay isla qaateen in si nabdoon loo waajaho xaaladda kala guurka ah, lana xushmeeyo si wada jir ah dastuurka dalka.

Kulankan ayaa waxa uu imanayaa xilli uu meesha ka baxay ra’iisul wasaarahii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, dalkana uu isku diyaarinayo doorashooyin, iyadoo aan weli la sila garan hannaanka ay noqon doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]