3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2020
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo geeriyooday
 

Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Galmudug oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xaaladdiisa lagu baxnaaninayay mid kamid ah cusbitaallada ku yaalla Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen xubno kamid a Baarlamanka Maamulka maamulkaasi ka tirsan.

Dhimashada Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” ayaa waxaa xaqiijiyay guddoonka Baarlamanka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Maxadaxweyne Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-qoor” oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay geerida xildhibaanka dhintay, wuxuuna Alle ugu baryay inuu u naxariisto.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelada uu ka baxay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” xildhibaanka wuxuu kamid ahaa mudanayaashii Baarlamanka 2-aad ee Galmudug” ayuu ku yiri war uu soo saaray madaxweynaha Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/28/2020 7:53 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay markii askari katirsan ciiddanka amniga Puntland uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ka mudaharadaayay sare ukaca dollarka iyo maciishadaha.

7/28/2020 5:58 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa muujiyay walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtiyaysan.

7/28/2020 4:54 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga midowga Nabadda iyo hor’umarka “UPD” sidoo kalena horay usoo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta dhinaca siyaasadda ugu sarreysa xisbigaas, iyagoo diiradda saaratay xaaladda waddanka uu marayo.

7/28/2020 4:18 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Kulan ay maanta yeesheen Baarlamanka Puntland ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimaha xudduudaha Dowlad Goboleedkaas, gaar ahaan Sool iyo Sanaag. Waxaana sidoo kale fadhigii maanta ay ku go'aaminyeen in ajendayaasha lagu daro la xisaabtanka golaha wasiirrada maamulkaas.