4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
80 qof oo ku dhintey mudaaharaadyo ka socda dalka Ethiopia oo loogasoo horjeedo dilka heesaa caan ah
 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu diley gobolka Oromada ee Itoobiya oo ay ka socdaan mudaharaadyo kadib dilkii foosha xumaa ee loo geystey heesaha caanka ah.

Fannaanka Haacaaluu Hundeessaa ayaa toogasho lagu dilay habeenkii isniinta iyadoo ay boolisku sheegeen inuu ahaa bartilmaameed qorshaysan.

Haacaaluu, oo ka soo jeeda qowmiyada ugu weyn Ethiopia (Oromiya), ayaa dilkiisa wuxuu huriyay xiisado carqaladeyn kara kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka Ethiopia.

Dadka dhintay waxaa ku jira dibadbaxayaal iyo xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, afhayeenka booliiska gobolka Oromiya ayaa sheegay in Ganacsiyada qaar dab la qabadsiiyay.

Hogaamiyaha mucaaradka Oromada Bekele Gerba iyo Jawar Mohammed oo aas aasaha shabakada warbaahinta afka dheer ee Oroma Media Network ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inay kaalin ku leeyihiin dibadbaxyada ka socda dhulka Oromada.

Abiy, Haacaaluu iyo Jawar dhamaantood waa Oromo, waa qowmiyadda ugu weyn Itoobiya, kuwaa oo muddo dheer ka cabanayay in laga saaray awooda dalka.

Abiy wuxuu ogolaaday xorriyadda siyaasadeed ee aad u weyn wuxuuna ballanqaaday in doorashooyinka soo socda ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah. Laakiin xisbigiisa cusub, ee ku saleysan aragtida-Itoobiya, wuxuu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya xoogagga awoodda gobolka sida Jawar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]