4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
In kabadan 70,000 oo Barakacayaasha oo si khasab ah uga barakacay guryahooda ku yaal Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya
 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - In ka badan 70,000 oo dad ah, oo badidoodu ay ku barakaceen gudaha dalka, ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda ku yaal Somalia, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo lagu jiray bilaha ugu badan ee cudurka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Golaha Qaxootiga Norway.

“Dadka laga saaray guryahoodu ma haystaan nabadgelyo. Dad badan ayaa shaqadoodii ku waayey masiibada oo waxay ku noqdeen hoy la'aan, gaajo iyo baahi. Khatarta caafimaad darada waa inaan ka wada shaqeyno sidii aan u difaaci lahayn dadka oo dhan, ayay tiri Evelyn Aero, La-Taliyaha Gobolka ee Kaaliyaha Sharciga ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC) ee Bariga Afrika.

Gudaha Soomaaliya, ka saarista ayaa khatar joogto ah ku ah bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan dadka soo barakacay ee ku nool degsiimooyinka iyo magaalooyin dadku ku badan yihiin. Sanadka 2019, inka badan 260,000 oo qof ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda, oo ay ka mid yihiin in kabadan 150,000 oo ku sugan Muqdisho oo keliya.

In kasta oo tiradu hoos u dhacday sanadkan, ku dhawaad 65,000 oo qof ayaa laga daad gureeyay illaa hadda, oo ay ku jiraan 33,000 oo ku sugan Muqdisho. In ka badan kalabar ayaa laga saaray guriga tan iyo markii lagu dhawaaqay masiibada Covid19.

Gudaha Itobiya, masuuliyiinta dawlada hoose ee Addis Ababa waxay burburiyeen daraasiin guryo ah oo loo haystay inay si sharci darro ah uga dhisnaayeen dhul la isku haysto, taasoo ka dhigtay ku dhawaad 1000 qof hoy la’aan bishii Abriil kaligood.

Kenya, mas'uuliyiintu waxay diideen amarrada maxkamadda waxayna si qasab ah uga saareen in kabadan 7,000 oo qof dhul ku yaal Kairobangi iyo degsiimooyinka aan rasmiga ahayn ee Nairobi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]