4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Baledweyne : 1,265 arday oo maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaddiga dugsiga sare


Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaawday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan imtixaanka dugsiyada sarre, uu daah furay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi, Cismaan Caato,

Imtixaankan oo ay maanta u fadhiisteen arday gaareyso 1,265 arday kaaso qeyb ka ah imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo si guud uga bilawday maanta gobolada Dalka.

Guddoonka Waxabarashada Gobolka Hiiran Cismaan Maxamed Cilmi, Cismaan Caato, ayaa Saxaafadda u sheegay in 6 xarumood oo gobolka Hiiraan ah lagu galayo imtixaanka Shahaaddiga ee Dowlada Soomaaliya waxuuna sheegay in mudo 5 Maalmood ah  uu socon doono imtixaanka.

Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadkaan Imtixanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisan doonan in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard 8) kaaso loo fadhiistay imtixaankiisa tariiqda markey aheyd 11/July/2020 iyado kan  Dugsiyada sarana maanta loo fadhiistay oo ay tariiqdu tahay 18-July-2020.

Hiiraan Online News Disk