Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo gaaray Garowe



Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad gooleedyada Somaaliya ayaa Garowe ka dagay iyagoo ka qeyb galaya aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

newsinsideMadaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garowe madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Labada madaxweyne ayaa soo kala horeeyay iyagoo la socday duulimaadyo kala duwan.

Warar aan haatan helayno waxay sheegayaan in aaska marxuumka dib loo dhigidoono illaa maalinta berito ah, uuna kasoo qeybgalidoono raysal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi culus oo ka imaanaya Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]