Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Janaraal Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada xoogga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu si adag ugu digay dadka aan ciidamada aheyn ee ku labista dharka militiriga Soomaaliya.
newsinside"Waxaan tallaabo adag ka qaadeynaa cid kasta oo dharkeena gashato, si ay u dhibaateyso bulshada " ayuu Odowaa u sheegay Warbaahinta.
Wuxuu intaa ku daray in gaadiidkii astaanta ciidanka xoogga lagu buufiyo ay isagana la wareegi doonaan.
"Lama ogola in astaan militiriga la isaga buufsado gawaarida gaarka loo leeyahay ' ayuu mar kale yiri.
Ugu demeyntii wuxuu ka hadlay kooxo isbaaro dhiganayay waayadii dembe deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe, wuxuuna tilmaamay in ay soo qaban doonaan oo ay cadaaladda soo hor istaajin doonaan.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]