Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka Afrika, ayaa isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay bar kontorool oo ay al-Shabaab ku lahayd degaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeeladda hoose.
newsinsideJeneraal Bradford Gering, oo ah kuxigeenka madaxa howlgalada, Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegay kontaroolka la duqeeyay inay Al-shabaab u adeegsan jireen si ay ugu dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan ee socotada ah.
Weerarkan cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah xubnahan Al-shabaab laguna burburiyey bar koontarool.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu hadda qiimeynayaa inaysan jirin dad rayid ah oo dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.
Taliska Mareykanka iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya. Waxay sheegeen inay u baahan tahay in lasiiyo barnaamijyo iyo fursad dadka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]