4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2020
Senator Fartaag: Muqdisho uma baahna in daaro la qurxiyo, nabada ayaa u baahan xoojin iyo qurxin
 

Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay Muqdisho in aysan u baahnayn in daaraheeda burburay la qurxiyo, balse ay u baahan tahay in nabadeeda la qurxiyo.

Senatorka waxa uu sheegay in qurxinta daaraha ay keentay in ammaanka la iska hilmaamo isagoo tusaale usoo qaatay madaxweyne Farmaajo shalay markuu furay garoonka cayaaraha Muqdisho saacado kadib in lagusoo garaacay madaafiic.

“Dalka waa la qurxin karaa, laakiin waxa qurxin iyo rinjiyayn dhab ah u baahan waa nabada. Maxaweynaha wuxuu soo furay garoonka kubada cagta iyadoo la cayaarayo ayay hoobiyayaal kusoo dhaceen, marka maxaa la rinjiyeeyay,” ayuu isweydiiyay Farataag.

Muuqaallo laga duubay garoonka ayaa la arkayay argagax iyo kala carar ka dhashay markii garoonka agagaarkiisa laga maqlay jug culus oo ahayd hoobiyayaal lagusoo tuuray garoonka, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadooda.

Senator Farataag wuxuu sheegay Soomaaliya inay u baahan tahay inay isku timaato oo laga wada tashado waxa dantu ku jirto. isagoo ka digay in waji qabiil loo yeelo waxa hadda ka socda Soomaaliya ama hal qabiil dusha laga saaro wixii ay qaladay dowladdan hadda jirta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]