Kulan Boroordiiq ah oo loo sameeyey Ardaydii ku geeriyootay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye
Arbaco, Janaayo, 08, 2020 (HOL)- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabad iskugu jirtay baroordiiq iyo duco loo sameeyey ardaydii Jaamacada Benadir ee ku naf waysey qaraxii 28-kii bishii Disembar ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo ay soo
qaban-qaabisay Jaamacada Benadir ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan
goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, waalidiinta iyo ehelada ardaydii
ku geeriyootay qaraxaas, masuuliyiinta Jaamacada, aqoonyahano iyo xubno kale.
Qaraxan oo guud ahaan ay ku
dhinteen dad ka badan 90 qof iyo dhaawac intaas ka badan ayaa waxaa dadkii
naftooda ku waayey ka mid noqday arday ka tirsaneyd Jaamacada Benadir oo
xiligaas ku sii jeeday goobahooda waxbarashada sida uu sheegay guddoomiyaha
Jaamacadda Benadir Prof.Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday oo munaasabadaas ka
hadlay, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey tirada ardayda ay waxyeeladu
soo gaartay iyo talaabooyinka uu qaaday Maamulka Jaamacadda.
“Dhibaatada ka dhalatay
qaraxaas waxay si guud u taabatay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada
Benadir oo ay kaga geeriyoodeen 16 arday oo iskugu jiray 11 gabdhood iyo 5
wiil, waxaana kaga dhaawacmay 18 arday oo iyana iskugu jiray 15 gabdhood iyo
saddex Wiil, waxaana 12 ka mid ah dhaawacooda daweyn loogu qaaday dalalka
Turkiga iyo Qadar, waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoysaska ay ka soo jeedaan
ardayda naga geeriyootay, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryeynaa inuu u
boogga dhayo” ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa ku daray in qaraxaas uu saameyn
dhinaca maskaxda ku yeeshay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen kuwa geeriyooday.
Dr. Biday ayaa intaas ku daray
in markii ay dhacday mashaqadan ay masuuliyiinta jaamacadu qaadeen talaabooyin
loogu gurmanayo ardayda waxyeeladu soo gaartay oo uu sheegay iney ahaayeen
dhalinyaro dedaal culus ugu jiray iney wax bartaan, waxna taraan dadkooda iyo
dalkooda balse geeriyooday iyagoo aan xaqiijin hadafkii ay nolosha ka
lahaayeen.
“Waxaan booqanay qoysaska
ardayda geeriyootay oo aan ugu tagnay guryahooda si aan ula qeybsano murugada
iyo tiiraanyada, qoysaska intooda badan waxaa ka muuqatay duruufo nololeed oo
aad u adag oo la daalaa dhacayey bixinta kharashka waxbarashada ubadkooda,
Jaamacadu waxay abuureysaa sanduuq samafal oo fursad u siinaya waalidiinta
ardayda geeriyootay iney keensadaan arday kalae oo wax loogu baro si lacag
la’aan ah, sidoo kale waxaan qorsheynay in ardayda dhaawaca ah loo dhameystiro
waxbarashadooda, iyadoo qarashkooda laga dabooli doono sanduuqaas” ayuu yiri
gudoomiyaha oo ka codsaday qeybaha bulshada, gaar ahaan ganacsatada, shirkadaha
iyo dadka muxsiniinta ah iney qeyb ka qaataan sidii qorshahaas uu u guuleysan
lahaa, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey dhamaan shaqsiyaadkii iyo heyadihii
ka qeyb qaatay gurmadka ardaydii waxyeeladu soo gaartay.
Senator Prof. Cismaan Maxamuud
Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka
hadlay ayaa sheegay tacsida ka sokow in loo baahan yahay garab istaag iyo
taageero in loo muujiyo qoysaska ay ka baxeen ardayda geeriyootay, wuxuuna
xusay inuu aad uga naxay dhibaatada dhacday oo uu sheegay iney tahay mid
uurkutaalo leh oo aan ka go’i doonin quluubta shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir dowlaha Wasaarada
waxbarashada iyo hidaha iyo tacliinta saree ee DF oo isna ka hadlay munaasabada
ayaa sheegay in ardayda geeriyootay aysan ka bixin oo kaliya waalidiintii
dhalay iyo jaamacada Benadir balse ay ka baxeen bahda waxbarashada, isagoo
xusay in wasaarada Waxbarashada ay kaalin wanaagsan ka qaadatay gurmadka loo
fidiyey ardayda qaraxa ku saamoobay, wuxuuna jaamacada Benadir ku amaanay sidii
ay u garab joogsatay qoysaska ay dhibaatadu taabatay.
Guddoomiyaha Golaha aqalka
sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo gebagebadii munasabadan ka
hadlay ayaa sheegay iney tacsida iyo murugada la qeybsanayaan qoysaska ardayda
dhibaatadu soo gaartay oo uu sheegay iney ahaayeen arday hamigoodu ahaa iney
bulshadooda wax u qabtaan.
“Waa arrin naxdin leh oo
nasiib daro ah in wiilkaaga ama gabadhaada oo saaka aad waxbarasho u dirtay in
laguu soo celiyo meydkiisa, iyadoo aysan jirin cid uu wax ka galabsaday,
waxayna ka mid tahay dhacdadan dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira oo loo
baahan yahay in bulshada oo kaashanaya dowladooda ay u midoobaan sidii wax
looga qaban lahaa, waana markii labaad ee Jaamacadda Benadir ay soo gaarto
dhibaatadan oo kale, adkeysiga ay muujiyeen waa mid mudan in lagu amaano, ha
niyad jebina dedaalkiina meesha ka sii wada” ayuu yiri Gudoomiye Cabdi Xaashi
oo ILAAHAY uga baryey ardayda geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo qoysaskii
ay ka baxeena siiyo Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Munaasabadan ducada ah oo ku
dhamaatay jawi wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale intii ay socotay ka hadlay
masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Dekedaha
Cismaan Daallo, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca
maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Benadir Maxamed Xasan Cumar iyo xubno kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]