4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Puntland oo xukun dil ah ku riday askari ka dambeeyay dilkii taliyihii garoonka diyaaradaha Bosaso
 

Isniin, Janaayo, 06, 2020, (HOL)- Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dilka taliyihii madaarka Bosaso, Xasan Shire Amaan.

Axmed Gaagaale oo ahaa askari katirsanaa ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha Bosaso, ayaa baxsaday markii uu dilkaas geystay oo ahayd 7-dii december- 2015, hase yeeshee dadaal badan kadib, Puntland ayaa ku guulaysatay in gacanta lagusoo dhigo.

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa askarigaan horey ugu riday xukun dil ah, balse racfaan uu ka qaatay xukunkiisa ayaa dacwada heerkaan soo gaarsiiyay.

Go'aanka maxkamada kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ninkaan isna loo xukumay 67-halaad oo diyo ah, taasoo ah dhaawacyo kasoo gaaray howlgalkii lagusoo qabanayay. Waxaana diyadaas lagu xukumay inuu bixiyo maamulka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]