4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2020
Wasiir Goodax “Waxbarashada Puntland dadbay u afduuban tahay, waana kaxoraynaynaa”
 

Jimco, Janaayo, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre oo shir jaraaid ku qabtay dalka Turkiga, ayaa ku eedeeyay  nidaamka waxbarashada Puntland inuu u afduuban yahay shaqsiyaad gaar ah oo aan ahayn cidda loo idmaday.

“Siyaasada waxbarashada Puntland dadbay u afduuban tahay. Waa ogyihiin waalidiinta iyo ardaydu. Wasiirka waxbarashada Puntland waxaan ogahay inuusan wax shaqo ah ku lahayn fulinta siyaasada waxbarashada,” ayuu yidhi Goodax.

Wasiir Goodax ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah wasiiraddii  hore ee waxbarashada Puntland iyo senator  Cabdiraxmaan Faroole, isagoo ku eedeeyay  inay hortaagan yihiin in reer Puntland wax la qeybsadaan ummada  Soomaaliyeed.

Hadalka Goodax oo ay ka muuqatay carro xoogan ayuu sheegay dowladda federalka in aysan marnaba kasoo dabcayn mowqifkeeda ku aadan in arday ka socda Puntland uusan helidoonin wax shahaado ah haddii uusan gelin imtixaanka dowladda Soomaaliya ay qaadayso.

Waxaa uu Puntland ku eedeeyay inay iyadu siyaasadaysay waxbarashada oo ay qiil ka raadinayso khilaafka waxbarashada kadib markii siyaasadihii kale meel marsiin waayeen, waa sida uu hadalka u yidhi.

Halkaan ka daawo muuqaalka wasiirka



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]