4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2020
Cabdirashiid Janan oo Kismaayo gaaray

 

Jimco, Janaayo, 31, 2020 (HOL)-Wasiirkii Amniga Dowlad gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan dowladdu sheegtay in uu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ayaa ugu danbeyntii gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda gobolleedka Jubbalad ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdirashiid Janaan uu Doon ku yimid magaalada Kismaayo.

Doonta uu ku tagay Janan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ka qaaday xeebaha magaalada Muqdisho, waxaana wararku intaa ku darayaan in sidoo kale ay jirtay Doon kale oo ka timid dhinaca magaalada Kismaayo oo markii danbe  lagu wareejiyay.

Warbaahinta ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kismaayo kula hadlo Cabdirashiid Janaan oo muddo dhowr bilood ah magaalada Muqdisho ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]