4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2020
Carruur Walaalo ah oo ku geeriyootay Barkad biyo laga cabo oo ay ku dhaceen

 

Jimco, Janaayo, 31, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Shilaabo ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo wadadhashay ku geeriyoodeen Barkad biyaha laga cabo oo ay ku dhaceen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Carruurta ay isku dayeen in ay ku dabaashaan Barkad balse markii ay galeen kaddib la sheegay in ay ka soo bixi waayeen.

Carruurta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xongor Iraad Cabdi oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi oo 6-sano Jir  ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa. 

Dadka deegaanka lagu magacaabo Laascaanood oo ka tirsan degmada Shilaabo oo ah halka ay masiibadani ka dhacday ayaa siweyn uga naxay geerida Caruurta Walaalaha ahaa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]