4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2020
Dowladda oo sheegtay in ay howlgal ku dishay ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Jimco,Janaayo, 03, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal militari oo ay ka fuliyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybo ka mid gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

Saraakiisha  qeybta ka ahaa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanka Buulo Eyle oo 4 KM ujira  deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose ku burburiyeen Labo Gaari xaamuul ah kuwaasi oo lagu diyaarinayay Qaraxyo iyaga oo sidoo kalana dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Taliyaha guudata 16aad, ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik  Maalin ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay howlgalka in uu  ahaa mid Qorsheeysan islamarkaasna ay ka warheleen in ay diyaarinayaan  Gaadiid qaraxyo ah oo ay doonayaan inay kuwaxyeeleeyaan Shacabka aan  waxba galabsan.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ku todobaadyadii la soo dhaafay ay ka wadeen  deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira howlgalka la sheegay in lagu dilay tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannadooda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]