4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Fanaankii caanka ahaa Daa’uud Cali Masxaf oo geeriyooday

Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)- Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf, ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Fanaanka ayaa la sheegay inuu si kedis ah u geeriyooday, qaar kamid ah eheladiisa ayaa sheegay  inuu qabay xanuunka macaanka ama sonkorta, balse xauunkaas sariir uma seexan.

Allaha unaxariistee, Daa’uud Cali Masxaf  waxaa lagu xasuustaa garaacista gitaarka, waxaa kaloo lagu jeclaa heesaha qaaciga iyo kabanka oo uu ku luuqayn jiray.

Waxaa taariikhda lagu sheegay inuu fanka kusoo biiray todobaatameeyadii, isagoo fanka kasoo bilaabay magaalada Jowhar, waxaa uu sidoo kale uu kamid ahaa fanaaniintii hobolada Waaberi ee qaranka Soomaaliyeed.

Geerida Daa’uud Cali Masxaf waa tiir kamid ah tiirarka fanka Soomaaliyeed oo meesha ka baxay, qaar badan oo kale ayaa ku dayacan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Sanadkii hore, waxay Soomaaliya weyday, Abwaankii weynaa, Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Singub) iyo khadiija Dalays oo iyana kamid ahayd hoboladii fanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]