3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Wasiir Goodax "Puntland waa iney imtixaanka federaalka ah galaan ama aysan shahaado soo raadsan"
  

Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa mar kale dab ku shiday khilaafka waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland.

Wasiirka waxbarashada oo wareysi siinayay BBC, ayaa si cad u sheegay Puntland haddii aysan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka in ardaydooda aan lasiindoonin wax shahaado ah.

Hadalka wasiir Goodax ayaa muujinaya inuu burburay dhexdhexaadintii aqalka sare ku doonayay inuu ku dhameeyo khilaafka waxbarashada.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” Ayuu yidhi wasiir Goodax Barre.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shan kun oo arday ay dowladda federalka sannadkii hore u diiday shahaadooyinkii ay xaqa ulaahaayeen  si ay jaamacaddaha ugu biiraan.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federalka inay dagaal kula jirto nidaamka waxbarashada ayna qoraalo u dirtay wadamo badan oo Puntland siiya deeqo waxbarasho, si looga joojiyo.

Khilaafka dhinaca waxbarashada ayaa soo bilowday horaantii sanadkii hore, kadib markii Puntland ay sheegtay in ay ka qeybgalidoonin imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah ee dowladda federalka maamulaysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/24/2020 4:45 PM EST
Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)- Afar kamid ah murashixiinta xilka madaxtinimada Galmudug ayaa sharuud ku xiray inay ka qeyb galaan doorashada tartanka madaxtinimada maamulka Galmudug ee dhawaan dhacaysa.

1/24/2020 4:26 PM EST
Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)- Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf, ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia.

1/24/2020 10:45 AM EST
Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen ilaa Lix Askari

1/24/2020 8:18 AM EST
Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Kulamo looga hadlayo Nabadgalyada dalka Kenya sidii Shacabka dhaqan dalka Kenya wada jir ugu wajihi lahaayeen dagaalka ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/24/2020 6:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,

1/24/2020 2:02 AM EST
Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool gaar ahana deegaanno hoostaga degmada Laas-caanood ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamo wada tirsan Somaliland