4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Ciidamada Dowladda oo Qarax lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen ilaa Lix Askari.

Dad ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay taasoo halleeshay gaari ay la socdeen ciidamada.

Waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa bilihii ugu danbeeyayba amaankeeda ahaa mid aan wanaagsaneyn iyadoo weeraro toos ah iyo qaraxyo intaba ay ka geystaan xoogagga Al-shabaab.

Ma jiro iyo ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ka hadlaya qaraxan ay ku dhaawacmeen ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]