4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Kulamo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Kulamo looga hadlayo Nabadgalyada dalka Kenya sidii Shacabka dhaqan dalka Kenya wada jir ugu wajihi lahaayeen dagaalka ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Ibraahim Roba, ayaa  faah-faahin ka bixiyay qodobbadii kasoo baxay kulan Shalay ka dhacay  halkaasi oo looga hadlayay ammaanka iyo ka hortagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la wadaagay qodobbadii kasoo baxay kulanka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan xoojin doonaan ilaalinta xadka ay Soomaaliya la wadaagaan, lana kordhin doono kormeerka xagga ammaanka ah ee ay Ciidamadu samaynayaan.

Mr; Roba, ayaa sidoo kale sheegay in la xoojinayo xiriirka ka  dhexeeya Shacabka iyo Askarta, lana joogteeynayo kulamada xagga Ammaanka, iyadoo la samayn doono Boliis keyd ah oo tababaran, iyo dad soo  gudbiya xogta Al-Shabaab

Guddoomiye, Cali Ibraahim Roba , ayaa sheegay in ay Bulshada iyo  maamulku isla go’aansadeen in ay mas’uuliyad wadareed buuxa iska saaraan  sugidda nabad-gelyada dalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay shirar noocan oo kale ahi ka dhaceen  magaalada Gaarrisa iyo degaanno ka tirsan Waqooyi Bari Kenya, iydoo  Shacab iyo maamulba ay isla garteen in si wada jir ah looga hortago  Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]