4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Xiisad laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolka Sool

 

Jimco, Janaayo, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool gaar ahana deegaanno hoostaga degmada Laas-caanood ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamo wada tirsan Somaliland

Xiisadan ayaa ka dhalatay sida wararka nagu soo gaarayaa xariga lagula kacay Taliye ku-xigeenkii qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Ibraahim Ashkir.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Gooja Cadde oo xiisadan ka taagan tahay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka careysan xariga taliye ku-xigeenka halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaq ka dhan ah xariga sarkaalka.

Amarka lagu soo xiray taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu bixiyay Taliyaha qeybta tododbaad Col Mahad Cambaashe.

Ciidamo taabacsan taliye  ku-xigeenka qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir ayaa  la sheegay in ay ka caroodeen go’aanka xabsiga loogu dhigay Sarkaalkaas  isla markaana dalbadeen in alsii daayo hadii kalana ay dagaal bilaabi  doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]