Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Qarramada Midoobey u qaabilsan Cunaqabateynta Hubka
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladda ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.
Madaxweynaha
ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka
Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc
Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran
dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada
Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga
sifeynayo dalka.
Sidoo
kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah
ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga
xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale
ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal
iyo heer Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga
Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay
taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca
nabadeynta iyo xasilloonida waarta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]