Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in xadhiga Jabuuti ee Internetka la keeni Karin Berbera
Arbaco, Janaayo ,22,2020 (HOL)–Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin xadhig Internet oo Jabuuti leedahay oo la keenayo Berbera, taas oo dhowaan la sheegay in cable Enternet la keenayo Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Mambaasa.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo
Teknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa xusay in
aanu wax rusqad ah ama ogolaansho ah aanay ka haysan wasaaradda, cida kaliya ee
cable Enternet keeni karta ay tahay shirkadda SOMCABLE oo xiligii madaxweyne
Siilaanyo kooto loogu xidhay shirkadaasi.
“ Xadhigaasi Jabuuti ee
Internetka kama soo degayo dekadda
Berbera wax rusqad ah oo aynu siinayna ma jirto, wax ogolaansho ah kama helin
Somaliland, Soomaaliya iyo Somaliland way kala duwan yihiin cida kaliya ee
rusqad siin karta waa wasaaraddan wax ka baxayna ma jirto oo rusqad ah”ayuu
yidhi wasiir Suufi.
Dhawaan ayayey ahayd markii
dawladda Jabuuti xadhiga ka jartay xadhig Internet oo weyn, taas oo bariga
Afrika la gaadhsiin doonno, iyadoo la keeni doono dekadaha Berbera, Boosaaso,
Muqdisho iyo Mambaasa sida madaxda Jabuuti xuseen, haseyeeshee, xukuumada
Somaliland waxay xustay in aan badeeda xadhigaasi la keeni Karin wax rusqad
ahna la siin.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.