4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Hiiraan Online oo heshay go’aankii lagu ruqseeyay 88 kamid ah ciiddanka booliiska Puntland

Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL) - Hiiraan Online ayaa heshay nuqulka warqaddii shaqada looga ruqseeyay 88 kamid ah askarta ciiddanka bilayska Puntland, kadib markii aanu shalay baahinay warbixintaan.

Sida ku cad qoralkaan, taliyaha ciiddanka bilayska Puntland, Sareeye Gaas, Muxidiin Axmed Muuse, ayaa sheegay in askartaan la ruqseeyay aysan wax faa'ido ah u hayn ciidanka ayna ahaayeen boos buuxis.

Puntland ayaa haatan diiwaan galin ku wada ciiddamadeeda booliska, iyadoo sheegtay in lagasoo reebidoono tiro-kooban oo tayo leh.

Halkaan hoose ka akhriso nuqulka warqadda.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]