4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Jigjiga: Waddooyinka waawayn ee magaalada oo guud ahaan xiran maanta

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin waddooyinka waawayn ee magaalada Jigjiga.

Sababta waddooyinkan loo xiray ayaa ah maadaama dadka kiristanka ah ee Jigjiga deggan ay xusayaan ciidooda oo ay marayaan waddooyinka waawayn ee magaalada.

Arrintan ayaa saameen ku yeelatay dadka shacabka ah ee magaalada deggan, iyadoo isu socodkii dhanka gaadiidku uu go'an yahay, Baajaajta oo ay dadka badankiisu raacana ay qiimihii ku dartay maadaama waddooyin raf ah ay marayso.

Waddooyin xiran ayaa ilaa shalay sidan ahaa, balse way dhaantay shalay oo waddooyinka qaarkood ayaa furnaa, maantase inta badan waddooyinka waawayn ee magaaladu way xiran yihiin.

Hiiraan Online