4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Wararkii u dambeeyay ee magaalada Diridhabe
 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in xaalad degganaansho la'aan ah laga dareemayo xaafadaha qaar ee magaalada Diridhabe, kaddib isku dhacyo u dhaxeeyay dhalinyarta qawmiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo ilaa shalay galinkii dambe rabshado ka sameynayay magaalada.

Haddaba maanta galinkii hore ayay rabshaduhu waxay ku xoogganaayeen dhinaca xaafadda lagu magacaabo Saciido, waxaana jiray inay gacanta isula tageen dhalinyarada qawmiyadaha Axmaarada iyo Oromada, inkastoo markii dambe uu Ciidanku soo kala dhex galay, waxaana jiray dhaawac xogaa ah oo Isbitaalada lagu dawaynayo.

Sidoo kale waxaa jirtay in hanti badan lagu burburiyay rabshadahan oo loo badinayo inay lahaayeen dad Muslimiin ah.

Isku dhacyadan ayaa sabab looga dhigayaa iyadoo maalmahan dadka kiristaanka ah ay xusayeen ciidooda, isla markaana magaalada socod ku marayeen, waxaa jirtay in waddooyinka hareeraheeda ay Axmaaradu marinayeen rinjiyo Cagaar, Huruud iyo Casaan ah, taas oo dhalinyarada Oromadu ka hor istaageen in la mariyo rinjiyadan sida xaafadda Qafiirka, taana ay sababtay isku dhacan labada qawmiyadood ee Axmaarada iyo Oromada.

Waxaa kaloo jirtay in magaalooyinka Haramaaya ee u dhaxaysa Harar iyo Diridhabe ay Oromadu gaadiidka istaajinayeen, iyagoo ka dhex raadinaya dadka Axmaarada ah.

Dhanka kale xaafadaha lagu magacaabo Ishatu ee magaalada Diridhabe ayay iyaduna cabsi ka jirtay, waxaana isu soo urursaday dhalinyar Axmaaro ahaa inkastoo Ciidanku markii dambe kala eryay.

Sannad ka hor wakhtigan oo kale iyo waliba isla ciiddan kiristaanka waxaa isku dhacay Soomaalida iyo Axmaarada wada deggan magaalada, taa oo wakhti dheer soo jiitantay, balse hadda waxa socda Soomaali kuma jirto.

Lama oga waxay ku dambayn doonto xaaladahan hadda ka soconaya magaalada Diridhabe.

Hiiraan Online