4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Ahlu Sunna oo ku gacanseyrtay Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug

 

Talaado, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Qoraal ka soo baxay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu sheegay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada madaxwynaha Galmudug ee la qabanqaabinayo.

Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu eedeeyay Dowladda Soomaaliya in ay fara-galin ku sameysay soo xulistii xildhibaannada 2aad ee Baarlamaanka Galmudug loona diiday in ay soo xulaan Xildhibaannada.

Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa imanaya iyadoo maanta la doortay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha, waxaana fadhi uu Guddigu yeeshay ka soo saaray sharuudaha laga doonayo musharixiinta ku tartamaya xilalka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna:-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]