Hormuud oo War ka soo saartay xarun ay ku lahaayeen gobolka Jubbada hoose oo la burburiyay Sawirro
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa War ka soo saartay burburin loo geystay xarun ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoos.
War ka soo baxay Hormuud ayaa dhignaa siddan :-
Iyada
oo ay weli sii socoto burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxaa ay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.
Ciidamada
Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo
ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii
isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii
isgaarsiinta, motooro iyo gawaari.
Waxaa
hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeys, iyo Tuulooyinka
hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah
isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay
dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku
yimaada dadka ku nool deeganadaasi.
Dadka
deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata
gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud
ay ku leheyd deegaankaas, iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya in
ay arrintan wax ka qabtaan.
Ciidanka
Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey
Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley,
Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo
ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo.
12
xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada
Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya
ay arrintaan uga hadlayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]