4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Puntland oo been abuur ku tilmaamtay in ciiddamo goostay ay ku biireen Somaliland
 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Maamulka Puntland ayaa beeniyay ciiddamo dhawaan lagusoo bandhigay magaalada Laascaano ee Somaliland inay yihiin ciiddamo Puntland ka goostay.

Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Gibiley iyo saraakiil ciiddan oo saxaafada kula hadlay magaalada Boocame oo katirsan gobolka Sool ayaa warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Masuuliyiintu waxay sheegeen inay Somaliland degaanka Bocame ka kaxaysatay dhallinyaro aan wax shaqo ah ku lahayn ciiddan, balse loo  galiyay darees kadibna Laascaano lagusoo bandhigay.

Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo deris ah, colaad joogto ahna ka dhexayso, ayaa arrimaha ciiddan goosashada ay tahay arrin iska caadi ah oo mar waliba soo noqnoqota.

Hase yeeshee, maalmihii ugu dambeeyay oo ay socotay tiro-koobka ciiddamada Puntland, waxaa jiray saraakiil iyo ciiddamadooda ku biiray Somaliland, kadib markii la sheegay inay diideen inay maraan nidaamka dib u habaynta ciiddamada ee socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]