4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Puntland oo shaqadii ka ruqsaysay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciiddankeeda bilayska
 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Taliska ciidanka booliiska Puntland ayaa shaqadii ka ruqseeyay 80 askari oo katirsanaa ciiddamada bilayska ee gobolka Nugaal, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka bilayska Puntland.

Warqadda shaqo ka ruqsaynta oo soo baxay horaantii bishaan, ayaa lagu caddeeyay askarta shaqada laga eryay in aanay wax faa’ido ah u lahayn shaqada ciidanka ayna ahaayeen boos buuxis.

Waxaa kale oo lagu tilmaamay inay ku haboonaayeen in shaqada ciidanka laga saaro, kadib oogolaansho laga helay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Tilaabadaan ruqsaynta 80-ka askari ayaa kusoo beegmaysa, kadib markii dhawaan maamulka Puntland uu bilaabay diiwaan galinta iyo tiro-koobka ciiddanka bilayska Puntland.

Dhawaan, taliye ku xigeenka ciiddanka bilayska Puntland, G/sare Bile Faarax Cali oo wareysi siiyay Hiiraan Online ayaa u sheegay in Puntland yeelandoonto ciiddan kooban oo tayo  sare leh.

Maalintii shalayna waxaa shaqadii amniga Garowe laga wareejiyay ciiddamada bilayska, iyadoo loo dhiibay ciidamo kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]