4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Madaxweyne Biixi oo isku shaandheyn kooban ku sameeyey xukuumadiisa

 

Isniin, Janaayo ,20, 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar mid ah xukuumadiisa, kuwaas oo u badan agaasimeyaal.

Isku shaandheyntan ayaa iskugu jirtay xil ka qaadis iyo isku bedel agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood.

Labada masuul ee uu xilka ka qaaday ayaa kala ah: Amaal Cabdi Xasan oo ahayd Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Maxamed Aadan Xirsi oo ahaa Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga.

“Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, masuuliyiintani waa qaar la isku bedelay iyo qaar xilalka ku cusub:

1 . Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.

8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.

Waxa xusid mudan in masuuliyiinta xilka laga qaaday ay ku jirto qof dumar ah, isla markaana masuuliyiinta cusub ee la soo magacaabay aanay ku jirin dumar, taas oo kor u qaadaysa cabashadii ay dumarku hore uga cabanayeen inay ku yar yihiin xilalka xukuumadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.