4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Ciiddanka nabad sugida Puntland oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay buuraha Calmadow
 

Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)- Ciidamada nabad sugida Puntland, ee loo yaqaano PSF, ayaa sheegay inay hawlgallo amni sugid ah ka sameeyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada durduri iyo ceelaayo ee gobolka sanaag, Puntland, Soomaaliya.

Hawlgalladani ayuu ciiddanku sheegay inay qayb ka yihiin hawlgallada joogtada ah ee ciidanka PSF ku curyaaminayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ee farriisinka ku leh buuraha Calmadow.

Lama sheegin in lagusoo qabtay ama lagu dilay xubno katirsan Al-shabaab.

Degaanada ay gaareen ciidanka waxaa mararka qaarkood ay si dhuumaalaysi ku yimaada Al-shabab.  

Puntland oo tan iyo sannadkii 2010 dagaal kula jirtay kooxda Al-shabaab ayaa weli ku guulaysan inay dhulkeeda ka saarto Al-shabaab.

Hase yeeshee madaxweyne Deni, ayaa dhawaan sheegay in sanadkaan 2020 lasoo afjaridoono dagaalka ka socda labada buurood.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]