4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Ciyaaraha Minifootballka Carbeed oo lagu qabanayo Qaahira , VIDEO & SAWIRO

Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada yaraha ama Minifootball isla markaana ah Gud. xigeenka xiriirkan ee qaarada Afrika Dr. Cabdiqaadir Ibraahim Maxamed (Cadaay) ayaa ku sugan magaaladda Qaahira ee dalka Masar oo uu uga qaybgalayo xafladd qori tuur loo sameenayey ciyaaraha Minifootballka carbeed oo dhawaan magalaadda Qaahira ka dhacaya.

Waxaana ciyaarahaan la qaban doona  28 Febaraayo waxayna socon doonaan ilaa 5 Maarso 2020 hadii alle idmo waana sanadkii kowaad ee ciyaarahaan ay qabtaaan dalalka carbeed.

Gudoomiyaha intuu uu ku sugnaa Magaaladaan Qaahira ayuu ka qaybgalay kulamo & shirar ay yeesheen madaxda ciyaaraha Minifootballka carbeed oo ka kooban 16 dal inkastoo sanadkaan ay ciyaarahaan ka qaybgalayaan sideed wadan kaliya.

Xafladii qori tuurka ciyaarahaan ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen madaxda sare ee dalka Masar ,dadwayne fara badan ,xulkii hore ee qaranka Masar ciyaartooydii cuslaatay ee dalkaas magaca ku lahaa, 

waxuuna gudoomiye cadaay intiisaysan xafladda bilaaban uu waraysi kala duwan siiyey TV dalkaan Masar iyo kuwo dalal carbeed oo goob joog ahaa oo ku waas oo uu uga waramay heerka ciyaarahaan Minifootballka ay Soomaaliya ka gaartay iyagoo 2 jeer ka qayb galay koobka aduunka ee minifoodbaalka., waxuu kaloo qadka warbaahinta uga mahadceliyey dowlada Soomaaliya qaasatan wasaarada Isboortiga oo uu aad uga amaanay kaalinta ay ka qaadatay horemarinta isboortiga Soomaaliyeed.

Intii ay xafladda socotay ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha eee dalka Masar Dr Ashraf Sobhy isagooo khudbadiisana ku dhiirigaliyey wadamada carbeed qabashada ciyaaraha noocan oo kale ah.

Gabagabadii Xafladdii ayaa waxaa Abaalmarin la gudoonsiiyey Gud Xiriirka Cabdiqaadir Ibraahim Maxamed Cadaay oo lagu abaalmariyey hawsha wanaagsan ee u qabtay xiriiirka ciyaaraha ee dalkiisa iyo kan Afrika ,isagoo kaalin firfircoon oo muuqatana ku leh xiriirka Carbeed ee Minifootballka,

Gabgabadii xafladda ayaan la kulmay Dr Cadaay ayaa HOL u sheegay in guud ahaan Isboortiga Soomaaliyeed horemarin wayn sameeyey 3 sano ee la soo dhaafay oo ay hogaanka u haysay Wasiiir Khadiija Diiriye uu gaaray guulo waawayn taas oo uu aad u bogaadiyey hogaankeeda isku xirka xiriirada iyo wada shaqaynta guud, waxuu kaloo gudoomiye cadaay ii sheegay in xulitaankii xulka qaranka ee Soomaaliya ay bilaabeen lagana kala keeni doono ciyaartooyda Soomaaliya , Dhalinyarada dagan Masar ,Yurub iyo Maraykanka.

Waxaa kaloo magaalaadda Qaahira ku sugnaa Saciido Sakini oo ah gudoomiyaha Minnifootball ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo iyadana sanadkaan dalka Jabuuti uu ka mid yahay dalalka ka qaybgalaya tartankaan,Saciido oo ah gabar xubin ka xiriirka Afrika ee Minifootballka ayaa ah qof niyad wanaagsan u haysa horemarinta isboortiga Jabuuti ,waxaa iyadana lagudoonsiiyey abaalmarin ay ku mutaysatay dadaalka ay u hayso horemarinta dhalinyarada Jabuuti .

Isku aadkii la sameeyey ayaa waxaa wadamadu isagu soo tooseen sidan qaybta 1 waxaa wada ciyaaraya Soomaaliya ,Masar Aljeeriya, Lubnaan Qaybta 2 waa Tuunisiya, Jabuuti Ciraaq Sacuudiga,

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online