4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Ohio Dugsi Association oo shahaadooyin gudoonsiiyay 48 Arday

Khamiis, Janaayo, 02,2020 (HOL)- 48 arday oo Soomaali ah ayaa loo qabtay xaflad qalinjabin ah kadib markii ay dhameeyeen Barashada Quraanka Kariimkaa taas oo ay soo abaabuleed dalada Ohio Dugsi Association oo ah dalad ay ku midoobeen qaar ka mid ah dugsiyada qur'aanka ee gobolka Ohio.

Waxaa goobta munaasabadu ka scotay buux dhaafiyay waalidiin, asxaab, Arday iyo qaybaha bulshada kuwaas oo farxada la qeybsanayay ardadan oo dhamaantood ah caruur aad u yar yar oo ku dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Maamulka dugsiyada Ohio Dugsi Association ayaa sheegay in barnamijkan ay uga goleeyihiin in ay ku dhiirogaliyaan Caruurta iyo dhalinyarada Qur'aanka barta iyo kuwa baran doona.

Caruurtan oo intooda badan uu ku adagyahay ku hadalka Af-ka Soomaaliga ayaa aad ugu faraxsanaa heerka ay soo gaareen waxaana qaarkood ay sheegeen in ay sii wadayaan Xifdinta Qur'anka iyo Barashada Diinta si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo jiilasha danbe uga Faaiideeya waxa ay Barteen.

Inta Baddan Macalimiinta ka hadlay Munaasabadan waxay waalidiinta ka codsadeen in ay il gooniya ku eegaan caruurta oo aan looga harin Dugsiga oo kaliya.

Daladan Ohio Dugsi Association ayaa dhankooda xusay in ay ku socdaan heer isbadal oo ay ku gaarayaan in ay ka qeyb noqdaan Tartamada Qur'aanka ee Calamka Gaar ahan kuwa Mareykanka, Dubia iyo wadamo kale.

Waalidiin Baddan ayaa u mahadceliyay macalimiinta iyo dalada kuna amaanay doorkooda waxbarasho iyaga oo alle uga baryay in uu ka ajarsiiyo.

Inta baddan Caruurta ku dhasha qurbaha ee aan ku hadlin luuqada Soomaaliga ama Carabiga ayaa macalimiintu ka maraan dhib aad u baddan gaar ahaan barashada Higaada iyo xuruufta waxayna Macalimiin baddan Guntiga u xirtaan sidii loo caawin lahaa caruurtaasi oo ugu danbayn qaarkood dhamaystay Qur'aanka.

Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio