4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Guddigii uu magacaabay Xaaf oo xildhibaanno cusub uga dhawaaqay Gaalkacyo

 

Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)-Guddigii Doorashada uu dhawaan uga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa ayaa ku dhawaaqay xildhibaanno cusub oo sida ay hadalka u dhiggeen uu yeelanaya maamul gobolleedka Galmudug.

Magacaabista xildhibaannada ayaa ah kuwo ka hor imanaya xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee fadhiggoodu yahay degmada Dhuusa-Mareeb kuwaa Jimcihii doortay Guddoon cusub.

Tirada xildhibaannada looga dhawaaqay Gaalkacyo ayaa gaaray 68 xildhibaan halka Baarlamaanka fadhiggiisu yahay Dhuusa-Mareeb uu ka kooban yahay 89 xildhibaan Xildhibaan.

Arrintan ayaa noqon karta khilaaf cusub oo ka dhax dilaacay Galmudug waxaana marka aad u sii fiirsato arintan ay dadka soo xasuusin kartaa labadii Baarlamaanka ee sanadkii hore looga dhawaaqay magaalada Kismaayo kaddib khilaaf ka dhashay nidaamkii doorashada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]