4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Maxaabiista dambiyada argigixisada oo loo oggolaaday inay isgaarsiinta isticmaali karaan

Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Dalka Ingriiska, maxaabiista ku xukuman dambiyada Argaggixisada ayaa loo oggolaaday inay isticmaali karaan adeega isgaarsiinta lana xariiraan asxaabtooda kale, inta ay ku jiraan xabsiyo ammaankooda aad loo ilaaliyo oo kuyaala gudaha dalkaas.

Tilabaadaan ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay waxqabadka adeegga xabsiga ee loogu talo galay maxaabiista.

Waqtigaan la joogo Britain waxaa ku jira inka badan 200 oo qof oo loo haysto dambiyo argagixiso, laakiin boqolaal kale ayaa loo calaamadeeyay iyadoo ay dhici karto in saraakiisha xabsiyada ay ka baqayaan in tirada dhabta ah ay intaas ka badan tahay.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in saraakiisha xabsiyada loo tababaray inay soo sheegaan dabeecaddaha laga shakiyo, marka ay maxaabiistu xiriir la sameynayaan axsaabtooda.

Sarkaal hore oo shaqada xabsiga ka tagay bishii Nofeembar 2018, ayaa sheegay in shaqaalaha laga yaabo inaysan fahmin wadahadalada maxaabiista ku hadla luqadaha kale sida Urdu iyo Carabiga.

Marka loo eego tirakoobyadii ugu dambeeyay, waxaa dalka Ingiriiska ku jiray 224 qof oo loo haysto dambiyo la xiriira argagixisannimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]