4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Turkiga: Weerarada lagu hayo muwaadiniinteena ma horjoogsandoono garab istaagga walaalaheena Soomaaliyeed
 

Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Turkiga ayaa cambaareeyay weerar ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo ku dhaawacmey tiro rayid ah.

"Waxaan dhalleeceeynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaawacmay 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan afar muwaaddiniin Turki ah," ayay Wasaaradda Difaaca ku tiri Twitter.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarka, isaga oo ku soo qoray Twitter: "Weerarka ka socda Soomaaliya ma horjoogsan doono dagaalka aan kula jirno argagixisannimada."

Sida laga soo xigtay saraakiisha Soomaalida, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey 20 kalena oo ay ku jiraan Muwaadiniin Turki ah ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo booliis ah oo la socday qandaraasleyaal Turki ah oo ku sugan Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca iyo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay muwaadiniinta Turkiga ee ku dhaawacmay weerarka inay ku jiraan  qandaraaslayaasha dhismaha.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey markii bam wadada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday ciidamada amniga ee ilaaliya muwaadiniinta Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha waddo ka baxsan Muqdisho, weerarkaas oo ay sheegatay al-Shabaab.

Bishii Diseembar 28, ugu yaraan 85 qof, oo ay ku jiraan laba muwaadin Turki ah, ayaa lagu diley in ka badan 150 kalena waa lagu dhaawacay weerar baabuur ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]