4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Saddex Ruux oo lagu dilay Qarax gaari loo adeegsaday Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)-Inta la xaqiijinayo saddex ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shaqaale Turkish ah oo ku howlanaa dhismaha Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

War lagu baahiyay Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Afar ka tirsan shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha Waddada.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in sidoo kale weerarka uu khasaare ka soo gaaray inkastoo aan la ogeyn inta uu la eg yahay.

Ururka Al-shabaab 28 bishii December, ee sanadkii hore sheegtay in mas'uuliyada weerar ay ku dhinteen 89 ruux oo ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo qaraxaa bartilmaameedkiisu ahaa shaqaale Turkish ah oo goobta marayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]