4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Puntland oo maanta bilowday diiwaan galinta ciidamadeeda booliiska
 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Guddiga tirokoobka iyo diiwaan galinta ciidamada Puntland ayaa maanta bilaabay diiwaan galinta ciidanka bilayska Puntland.

Diiwaankaan ayaa ka bilaabatay xarunta taliska ciidanka bilayska ee gobolka Nugaal, halkaas oo maanta ay iskasoo xaadiriyeen dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka bilayska heer gobol.

Guddiga tiro-koobka ciidamada ayaa horey usoo dhameeyay diiwaan galinta ciidanka daraawiishta Puntland, kuwaas oo lagu bilaabay qorshahaan dib u habaynta ciidamada.

Taliye ku xigeenka ciidanka bilayska Puntland, gaashaanle sare Bile Faarax Cali, oo wareysi siiyay Hiiraan Online, ayaa sheegay Puntland inay yeelandoonto ciidamo bilays ah oo kooban lehna tayo islamarkaana lagula xisaabtamo waajibaadkooda shaqo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]